Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay horjooge Maxamed Nuur Shire

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay horjooge Maxamed Nuur Shire

0

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, lagu dilay sargaal sare iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kahor tageen weerar culus oo deegaanka Janaale kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal khasaaro badan dhaliyay.

Taliyaha Ururka 66-aad Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka milatariga ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in dagaal ka dhacay Janaale ku dileen 13-dagaalyahan uu ku jiro sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadka lagu dilay weerarka Al Shabaab soo qaadeen uu ku jiro Maxamed Nuur Shire uu tilmaamay in uu ahaa sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana dowladda saakay sheegtay in dagaal ka dhacay deegaanka Basra ku dileen 19-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga waayey
Next articleJeneraal Odawaa oo Farriin Dardaaran ah u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Xili Dagaal Adag Socdo