Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah, taasi oo uu siinayo dastuurka cusub ee Arbacadii la meel mariyay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamanka Aadan Madoobe.

‘’Baarlamaanka wuxuu shaqayn doonaa inta dastuurka uu tilmaamay. Dastuurka kan hadda la ansixiyay inta uu tilmaamay buu baarlamanku joogi doonaa. Kii KMG ma aha yaah… Dastuurka rasmiga ah inta uu tilmaamay ayuu baarlamanka shaqeyn doonaa iyo hay’adaha dastuuriga ah’’

Xildhibaanada ka maqan fadhiyada baarlamanka ayuu ugu baaqay inay soo xaadiraan kulamada goloha si loo sii waddo shaqooyinka muddada sanandka ee haatan uu sheegay Madoobe inuu ugu oggolaanayo dastuurka cusub ee 222 xildhibaan ay u codeeyeen.

‘’Kalfadhiyada noo harsan Insha Allaah shuruuc badan oo laga gaari waayay iyo waxyaabo badan oo dowlad dhiska kamid ah fadhiyada noo harsan samayn doonaa, xoogaa fursad ah ayaan siinaynaa xildhibaanada, fasaxa waan u dheeraynaynaa si si ay cibaadada usoo gutaan. Xildhibaanadii la ganaaxayna waxay lamid yihiin xildhibaanada kale… imaada ganaaxiini waa dhammaaday’’

Ad