Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo eedeyn u jeedisay Farmaajo iyo Warkaasi oo la beeniyay

Dowladda Soomaaliya oo eedeyn u jeedisay Farmaajo iyo Warkaasi oo la beeniyay

0

Wasiirka Gaashaandhigag Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay go’aanka dowladda ee kula wareegeyso qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoona dhanka kale eedeyn u jeediyay dowladdii hore ee Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdii hore uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ay isku deyday inay burburiso qabuuraha Iskool Buluusiya, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday xilligaasi, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo kooxdiisa ay rabeen in dhulkaasi ka dhistaan hoteelo iyo goobo kale oo dalxiis, balse ku fashilmeen rabitaankooda maadaama ay dano gaar ah wadeen.

“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan  wayna diideen culimada” ayuu yiri Wasiirka Gaashadhigga.

”Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenka Farmaajo Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray ”Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud.

Eedeyta kasoo yeertay wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda hadda jirta ammartay in meydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya halkaasi laga saaro, waxa ayna dowladda sheegtay in dhulkaasi iyadu u baahan tahay.

Ad
Previous articleMahad Garaad: Wax ka ogoow noloshii dhakhtarka ku dhibaateysan Libiya kahor inta uusan tahriibin ee Xamar U shidnayd
Next articleTaliye Sanbaloolshe Cali Cosoble iyo Cali Jayte oo Gaaray Maxaas Maxaa ka jira?