Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay fasaxday jaadkii laga keeni jiray Kenya

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay fasaxday jaadkii laga keeni jiray Kenya

0

Xilli saacadihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay in dowladda Soomaaliya ay dib u fasaxday jaadka Miirowga ee laga keeni jiray dalka Kenya ayaa waxaa warkaasi beenisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hadalkii uu shalay warbaahinta u sheegay  si qalad ah loo dhigay, isaga oo aan soo hadal qaadin jaadka laga keeni jiray Kenya oo ay dowladda Soomaaliya joojisay.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ujeedkiisa uu ahaa in uu ka jawaabo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itobiya oo dad badan ay sheegeen in dad gaar ah uu u xiran yahay, waxana uu sheegay in cid walba ay soo degsan karto.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in cid walba ee dooneysa in jaad ( qaad) dalka keenta ay qaadato rugsada, sidoo kalena uu Canshuurta iska bixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa 11 bilood ka hor joojisay qaadka sababo la xiriira cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay dalka, hayeeshee markii dambe ay sigaar ah u mamnuucday in la keeno Somaaliya jaadkii ka imaan jiray Kenya halka kan Itoobiya uu si caadi ah dalka u yimaado, taas oo dad badan u fasireen arrimo siyaasadeed.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleSacuudiga oo ka hadlay Maamulka Cusub ee Mareykanka iyo Waxa ay ka filayaan
Next articlePuntland oo Odayaasha Gaalkacyo ku eedeysay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab