Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.
Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed.
Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.”