Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore ammar ku bixisay in laga saaro dadka degan dhul uu leeyahay bangiga dhaxe ee Soomaaliya oo kuyaalla degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Buula Xuubey ee magaalada Muqdisho.
Dhulkan dowladda amartay in dadkii degnaa laga saaro ayaa ah dabaqyada bangaariyada oo uu leeyahay bangiga dhaxe ee Soomaaliya, waxaana guryahaasi hadda degnaa qaar kamid ah shaqaalihii bhore ee bangiga dhaxe iuo eheladooda.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa saakay gaaray dhulka la amarya in dadka laga saaro, waxa ayna ciidamada bilaabeen fulinta ammarkii lagu siiyay in dhismaha bangaariyada laga saaro dadka wali ku harsan.
Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya dadkii degnaa dhismayaasha bangiga dhaxe leeyahay oo alaabahooda bannaanka loo dhigay, ciidamada ayaana dadka si xoog ah uga soo saaraya dhismayaashaasi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhismayaasha bangaariyada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh dooneyso in ay ku wareejiso bangiyo Soomaaliyeed iyo mid laga leeyahay dalka Masar, kuwaa oo kooxda Xasan lacago deyn ah ka qaateen xilligii doorashada.