Home Wararka Maanta Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya...

Dowladda Masar oo war ka soo saartay hubkii gaaray Muqdisho iyo Itoobiya oo ka hadashay qorshaha socda

0

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay inay shixnado hub ah ay u dirtay Soomaaliya iyadoo ay jirto xiisad gobolka ka taagan oo ka dhalatay heshiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Warka ku saabsan in hubkan uu soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay qoraal uu soo saaray Ambassador Tamim Khallaf, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

“Iyada oo laga duulayo qaabka ay Masar u taageereyso dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, shixnad mucaawino ah oo ay Masar ugu deeqday ciidanka Soomaaliya ayaa soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. ujeeddadeeduna tahay in la taageero oo la dhiso awooddooda,” ayuu Khallaf ku yiri bayaanka.

In kasta oo ay jiraan warar aynan si madax banaan u xaqiijin karin oo sheegaya in hubka qaar ay iibsatay dawladda Soomaaliya, ayaysan dowladda Masar xusin arrinkaas.

Waxa uu sheegay in kaalmadan ay qeyb ka tahay fulinta waajibaadka ka saaran Masar hab-maamuuska iskaashiga milateri ee ay dhawaan la saxiixdeen Soomaaliya, iyo xaqiijinta sii socoshada doorka muhiimka ah ee Masar ay ku taageereyso dadaallada Soomaaliyeed ee lagu doonayo in lagu helo karti iyo qaran si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee amni, xasilooni iyo horumar”.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan hubk, balse wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada uga mahad celiyay Masar isagoo aan si gaar ah u soo hadal qaadin hubkaas.

Dhanka akle wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar ayaa magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Walaaca Itoobiya

Itoobiya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay in shixnad hub ah oo ay wataan ciidamada shisheeye uu uga sii dari karo xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atske-Selasie oo shir doceed kula yeeshay mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay walaaca uu ka qabo in saadka hubka uu gacanta u gali karo argagixisada, marka loo eego xaaladda ammaan ee Soomaaliya oo aan xasilloonayn.

Hadalkan ayaa daba socda warar ka imaanaya magaalada Muqdisho oo sheegayay in markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar uu soo dejinayo kayd hub ah oo aad u badan, kaasoo noqonaya kii labaad ee la keeno.

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaysanayay muddo bilo ah, kaddib markii uu muran ka dhashay heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland oo ah maamul ka go’ay Muqdisho oo ay Muqdisho u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xoogaysanayay muddo bilo ah, kaddib markii uu muran ka dhashay heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland oo ah maamul ka go’ay Muqdisho oo ay Muqdisho u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

Maxay ka tiri Somaliland?

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa dhankeeda walaac ka muujisay hubka la sheegay in uu Muqdisho gaaray.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in hubka ay Masar siisay dowladda Soomaaliya uu xasiloonidaro ka abuuri karo gobolka

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa walaac ka muujisay hubka culus ee ay dhawaan dawladda Masar siisay maamulka Muqdisho, kaasi oo curyaaminaya xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd, ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Somalilland ayaa sidoo kale ka digtay in hubkan uu gacanta u gali karo kooxaha xag-jirka ah ee soomaaliya ka jira.

Ad
Previous articleDoon 30 meyd ah badda la sabeyneysay ayaa laga helay xeebaha dalka Senegal
Next articleWar Deg Deg ah:Xildhibaan ku Wajahnaa Baydhabo oo loo Diiday inu ka Baxo Muqdisho