Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka oo si adag uga soo horjeesatay ammarka maxkamadda Dembiyadda Caalamiga...

Dowladda Mareykanka oo si adag uga soo horjeesatay ammarka maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ee israil ku wajahnaa

0

Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga (ICC) ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant iyo hoggaamiyaal katirsan kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira Israa’iil.

Go’aankan kasoo baxay maxkamadda ICC ee lagu soo xirayo Ra’isul Wasaaraha Israa’iil iyo hoggaanka Ururka Xamaas ayaa la kulmay soo dhaweyn iyo dhaleeceyn, waxaana jira hoggaamiyaal soo dhaweeyay go’aanka, halka kuwa kalana kahor yimaadeen.

Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga soo horjeesatay ammarka maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC kasoo baxy ee lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa Gaashaandhigga.

Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigtay weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza.

Biden ayaana hadalkiisa u muuqda mid qiil u raadinay madaxda Israa’iil ee xasuuqda Gaza amartay, isaga oo dhanka kale raali ka ah xarriga hoggaamiyaasha kooxda Xamaas uu u arko urur argagaxiso ah.

Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas.

Antony Blinken ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku.

Qaar kamid ah madaxda caalamka iyo ururada u dooda xaquuqda aadanaha ayaa si weyn usoo dhaweeyay waarana ay mackamadda Dembiyada Caalamiga ee ICC u jartay madaxda sare ee maamula Israa’iil iyo hoggaanka ururka Xamaas.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleXamaas oo ka hadashay Waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Hoggaankooda
Next articleGaari Alshabaab Hub iyo daawo uwaday oo Galgaduud Lagu Qabtay(Sawiro)