Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka oo mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa...

Dowladda Mareykanka oo mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiy

0

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee horraantii sanadkan dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley oo hadalkan dhawaajiyay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Mareykanka uusan marnaba aqoonsan doonin heshiiskaas oo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in nasiib darro ay tahay in Itoobiya ay kusii dheganaato heshiiskan oo uu tilmaamay inuu carqalad ka abuurayo gobolka Geeska Afrika.

“Aad ayaan uga warqabnaa oo si wada jir ah ayaan uga shaqeyneynaa si aan u hubino in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta. Waa xaalad nasiib-darro ah, qas badan, oo ka bilaabmatay Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaanan isku dayeynaa in aan ku xalino dariiq diblomaasiyadeed” ayuu yiri Riley.

Dhankiisa Danjiraha Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika Mike Hammer oo ka hadlay qaddiyadan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo si weyn ugu dagaalameyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay kasii taageeri dooonan la dagaalanka argagixisada, maamaama ay qayb ka yihiin la dagaallanka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa horay u diiday heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa, isaga oo taageero u muujiyay madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Qaraxyo Culus oo Ka dhacay Muqdisho
Next articleItoobiya oo Dowlada Soomaaliya ku Tilmaamtya Mid Daciif ah oo kaliya Miqdisho ka Talisa