Home Wararka Maanta Dowladda Mali oo dalbatay in dalkeeda si degdeg ah looga saaro ciidamada...

Dowladda Mali oo dalbatay in dalkeeda si degdeg ah looga saaro ciidamada Qaramada Midoobay

0

Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali, iyadoo dowladda Bamako ay dooneyso in aan dib loo dhigin ka bixista ciidankaasi ee dalkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadd ee Mali Abdoulaye Diop ayaa canbaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howlgalka nabad-iaalinta QM, isaga oo fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah in ciidamadaasi ay si degdeg ah uga baxaan Mali.

Howlgalka Nabad Ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo iyadoo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan.

Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka QM ee Mali, iyadoo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWeerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah
Next articleInjineer jaceyl dartiis u bixiyay sirta nukliyeerka ee waddankiisa