Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la...

Dowladda Itoobiya oo ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weun usii kala fogaadeen.

Isku-dayo la rabay in xal looga gaaro xiisadda labada dal ayaa illaa hadda mira-dhalin, ayada oo Turkiga uu laba jeer Ankara isugu keenay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wax natiijo ahna lagama gaarin wada-hadalladaasi.

Labada dal ayaa markale u ballansan wejiga saddexaad ee wada-hadallada uu Turkiga garwadeenka ka yahay, mana muuqato isbeddel xal looga gaari xiisadda, ayada oo tallaabooyinkii u dambeeyay ay xiisadda gaarsiiyeen meel xasaasi ah oo walaac xooggan abuurtay.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dagaal Culus oo Ka socda Galmudug Yuu U Dhaxeeyaa?
Next articleMaxay Haayeen Booyada Soomaalida ee Shidaalka Sida oo la Amray inay Dib ulaabtaan?