Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn dhaqan-gelisay go’aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya, kaas oo la xiriiray kasii mid ahaanshaha howlgalka ka socda Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa haatan ciidamada Itoobiya ka saartay howlgalka cusub AUSSOM oo bilaabanaya sanadka soo socda ee 2025-ka, sababo la xiriira xiisadda u dhexeyso labada dal ee ka dhalatay heshiiskii badda.

Tallaabadii ay shalay qaaday dowladda federaalka ayaa muujineyso inay dhaqan-gelisay go’aankeeda, kadib markii Itoobiya laga reebay shir Arbacadii lagu soo xiray magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan guda dalka.

Waxaa shirka goobjoob ahaa taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee kala ah Djibouti, Uganda, Burundi iyo Kenya, iyada oo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 December 2024 iyo howl-galka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sida qorshuhu yahay ciidamada ATMIS ayaa baxaya 31-ka bishaan December, waxaana halkaas ku cad in dhammaan askarta Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, maadaama aanay qayb ka ahayn howlgalka AUSSOM ee dalka ka bilaabanaya 2025-ka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xun oo saameeyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dal, kadib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu horraantii sanadkan Somaliland la galay heshiis ku saabsan badda, kaas oo ay carootay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ad
Previous articleGolaha Wasiirada oo Maantay Ansixiyay Arimo Xasaasi
Next articleGabar Soomaaliyeed oo Kursiga IGAD ee Tartanka Adag loo Galay Ku Guulaysatay