Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus oo ay uga hortageyso...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaaday tallaabo culus oo ay uga hortageyso ololaha ay Somaliland

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo ay uga hortageyso ololaha ay Somaliland aqoonsiga uga raadineyso dowladda Mareykanka, si gebi ahaanba meesha looga saaro qorshaha hadda socda.

Tallaabadan deg-degga ah ee ay qaaday dowladda ayaa waxaa hormuud u ah safaaradda Soomaaliya ee Washington oo bilowday qorshe ay uga hortageyso aqoonsiga Somaliland.

Safaaradda ayaa lagu soo warramayaa in ay heshiis la saxiixatay mid kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee ka shaqeeya u qareemidda iyo u ololaynta Maraykanka, iyadoo ujeedadu yahay in la taageero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax bannaanida Somaliland.

Sida uu daabacay Wargeyska The Africa Report, shirkadda heshiiska lala galay oo lagu magacaabo BGR ayaa qandaraas ku qaadatay lacag dhan $600,000 muddo 12 bilood ah, si ay saamayn ugu yeelato go’aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira arrinta aqoonsiga Somaliland.

Shirkaddan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doonto wanaajinta cilaaqaadka dowladda federaalka kala dhexeeya maamulka cusub ee madaxweyne Donald Trump.

Wargeyska oo sidoo kale soo xigtay safaaradda Soomaaliya ayaau sheegtay in haatan uu wanaagsan yahay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada.

“Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan ballaarinno iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka labada dhinacba,” ayay safaaraddu u sheegtay The Africa Report.

Ololaha ay Somaliland ictiraafka uga dooneyso Mareykanka ayaa waxaa horkacaya xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry, kaas oo aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Hindise sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Qorshaheesii Gobalka Gedo ku Guulaysatay
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo Tagaaya Gobalka Gedo