Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaalo la xiriira sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamulka Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Sida ay Mudug24 u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan, tallaabadan ayaa timid kadib markii ay Villa Somalia ay walaac ka muujisay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland.
Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonayo in la hakiyo hanaanka deyn cafinta dalka, oo meel wanaagsan maraya, illaa inta laga heshiinayo khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.
“Madaxweynaha (Xasan Sheekh Maxamuud) iyo Ra’iisul Wasaaraha (Xamza Cabdi Barre) ayaa bilaabay inay xiriir la sameeyaan dhinacyda kala duwan oo saameyn ku leh siyaasadda maamulkaasi (Puntland) si ay ugu kala dab qaadaan maamulka Deni iyo Villa Somalia,” ayey Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo muhiim ah.
Haddii ay tani dhacdo waxaa laga baaqsan doona in uu fashilmo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo xilligaan maraya marxalad wanaagsan, balse laga cabsi qabo in khilaafka labada dhinac uu saameyn ku yeesho haddii uu sii socdo.
Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli la rumeysan yahay in xiriirka Villa Somalia iyo maamulka Deni uu marayo heerkii ugu liitay, kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay wada-shaqayntii labada heer dowladeed.