Home Wararka Maanta Dowladaha Carabta iyo Qaramada Midoobay oo cambaareeyay tallaabo ay qaadday Israa’iil

Dowladaha Carabta iyo Qaramada Midoobay oo cambaareeyay tallaabo ay qaadday Israa’iil

0

Qaar kamid ah dalalka Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku joojisay gargaarkii bini’aadanimo ee la geynayay marinka Qasa.

Masar iyo Qadar ayaa sheegay in tallaabada ay Isra’iil ku dhaqaaqday Axadi, ay tahay mid jebineyso heshiiskii ay labada dhinac dhawaan gaareen.

Xoghaya Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadanitinimada, Tom Fletcher, ayaa go’adoominta Israa’iil ee gargaarkii Qasa ku tilmaamay “mid qeylo dhaan muujineyso”.

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netnyahu, ayaa sheegay in dalkiisu qaaday talaabada maadaama ay Xamaas uu sheegay inay xadeyso gargaarka ayna u adeegsanayaan inay ku maalgeliyaan howlahooda argagaxisenimo, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Waxaa uu sidoo kale Xamaas ku eedeeyay inay dadka reer Qasa kahor istaagaan gargaarka.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay kooxda falastiiniyiinta inay diideen soo jeedinta Mareykanka ee ah in mudada loo kordhiyo xabad joojinta Qasa, taas oo Sabtidii ku ekayd. Israa’iil ayaa sheegtay inay oggolaatay soo jeedintaas.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in go’doominta Israa’iil ay tahay “caga jugleyn aan buurnayn” iyo “afgambi” ka dhan ah heshiiska xabbad joojinta.

Heshiiska xabad joojinta ayaa hakiyay 15 bilood oo dagaal u dhexeeyay Xamaas iyo millatariga Israa’iil, taas oo hor seeday siideynta lahaystayaal gaaraya 33 Israa’iiliyiin ah iyo 1,900 falastiiniyiin ah.

Bayaan ay Axadi soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, ayaa waxay ku sheegtay inay “si adag u cambaaraynayso” go’aanka Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay “xadgudub cad oo ka dhan ah heshiiska xabbad joojinta” iyo “sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”.

Dhanka Masar na, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Israa’iil ku eedaysay in ay macluusha u adeegsato “hub ka dhan ah dadka reer Falastiin”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Qatar iyo Masar labaduba waxay gacan ka geysteen dhexdhexaadinta heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna muujisay “cambaareyn” go’doominta gargaarka Israel, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleXog: Alshabaab oo Dagaalkii ay ku qaadeen Shabeleada Dhexe imisa Magaalo ayay ilaa Hada Si buuxda uqabsadeen?
Next articleDhulgariir ku dhuftay Hollywood kadib abaalmarintii Oscar