Home Wararka Maanta Dowlada Xasan Shiikh oo Maantay Qaaday Talaabo Horay loogu Amaanay Dowladii Farmaajo

Dowlada Xasan Shiikh oo Maantay Qaaday Talaabo Horay loogu Amaanay Dowladii Farmaajo

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya.

⁹Dhalinyaradaan oo tiradoodu dhameyd 11 qof, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta ee JFS, wasaaradda arrimaha dibadda Iyo hay’adda IOM.

Dhalinyaradaan ayaa muddo badan magafe ku heystay Liibiya waxaa soo celintooda iska kaashaday safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta iyo wasaaradda arrimaha dibadda, hay’adda IOM iyo Midowga Yurub oo maal-galiyey.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta oo ka hadashay soo dhaweynta ayaa sheegtay in xafiiska uu ka shaqeynayo soo celinta dadka ku dhibaateysan dibadda, iyada oo u mahad-celisay madaxweynaha JFS.

Agaasimaha Arrimaha Diaspora-ha ee wasaaradda arrimaha dibddda, Ibraahim Guure Maxamed oo ka hadlay halkaasi ayaa asaguna uga mahad-celiyay dhinacyadii ka shaqeeyay soo celinta dhalinyaradaan oo muddo ku dhibaateysnaa dalka Liibiya.

Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan Sheekh Iyo Museveni Oo Ka Wada Hadlay Wajiga Labaad Ee Dagaalka Shabaab
Next articleXiliga ubilaabanaayo Dagaalka Dalka looga saraayo Alshabaab oo la shaaciyay