Home Wararka Maanta Dowlada UK oo soo Jeediyay in Somaliland iyo SSC Khaatumo ay Maxaabiista...

Dowlada UK oo soo Jeediyay in Somaliland iyo SSC Khaatumo ay Maxaabiista is waydaarsadaan

0

Dowlada Ingiriiska ayaa ku baaqday in laga shaqeeyo sidii nabad waarta ay uga dhex dhalan lahayd Somaliland iyo SSC Khaatumo.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo la kulmay guddida nabada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cirro, ayaa soo jeediyay talooyin lagu heli karo nabad waarta.

“Waxan la kulmay guddida nabada ee dhawaan la sameeyay, nabad waarta waa in ay ku bilaabantaa maxaabiista oo la is waydaarsado, isku furka wadooyinka ganacsiga, iyo xoojinta xidhiidhka labada shacab” ayuu yidhi Nithavrianakis.

Madaxwwynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawr jeer sheegay in ay ka go’antahay in uu colaada kala dhaxaysa SSC Khaatumo ku wajihi doono nidaam wadahadal iyo wadaxaajood ku dhisan.

Guddida nabada ee dhawaan la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood ayaa iyagana shaqadoodu tahay xal u helista dhibaatooyinka iyo adkaynta nabada.

Waxa kale oo jira dadaalo nabadeed oo ay wadaan salaadiin ka timid Dowladda Deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo socdaal ku tagay Hargaysa iyo Laascaanood, isla markaana doonaya in ay isku soo dhaweyaan labada dhinac.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleTrump oo Inta badan Diidmo Kala Kulmay Wadamada Islaamka Qorshihiisa reer Falastiin uu ku Barakicin lahaa
Next articleFaransiiska oo gaareya Denmark si Mareykanka uusan u qabsan Jasiirada Greenland