Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowlada Turkiga oo Soo Faragalisay Khilaafka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya

Dowlada Turkiga oo Soo Faragalisay Khilaafka Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya

0

MW Soomaaliya Xassan Sheikh ayaa safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Alper Aktaş u diray in uu lahadlo MW Koonfur Galbeed, kuna qanciyo imaanshaha Muqdisho, ayna Dawladda Turkigu u damaanad-qaadayso in amnigiisa iyo deegaankiisaba ay gacanta ku haynayso.

Alper, ayaa la hadlay MW K/Galbeed una sheegay dalabkaas, hayeeshee jawaabta dhinaca Laftagareen ayaa ahayd in uu xiligii uu doono tagi karro Muqdisho oo aysan dhib jirin, haddana uu mashquul yahay oo aysan jirin daruuf u tago caasimada Muqdisho.

Talaabadan ayaa muujinaysa in Turkigu layimaadeen banaanka habdhaqanka faragalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Shalayna MW Xassan ayaa Baydhabo u diray Jen, Mahad Cabdiraxmaan si Laftagareen loogu qanciyo imaanshaha Muqdisho, waxaa kahoreeyey Sanbaloolshe iyo Xamse oo Baydhabo tagay, iyadoo aan wali la ogeyn ujeedada Villa Somalia ugu dhegan tahay in Lafta tago caasumada.

Ad
Previous articleAfar carruur ah oo ay ku xirantay tallaajad ay ku ciyaarayeen oo geeriyooday
Next articleCiidamo Itoobiyaan ah oo Qarax Culus lagula eegtay Gobalka Gedo iyo Dhimasho iyo Dhaawac kasoo gaaray