Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku asixinyay magacaabista maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha (National Identification and Registration Authority), ayada oo agaasimaha guud loo magacaabay Caddiweli Timacadde, halka Ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdullaahi Biixi Xuseen.
Timacadde oo loo magacaabay agaasinka hay’addan ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay hadda ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.
Ninkan ayaa sidoo kale kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni, isaga oo kamid ahaa kooxdii ololaha doorashadii Muqdisho, balse waxa kala tageen markii ay dhammaatay doorashada oo Deni iyo raggii kale uu uga adkaaday madaxweyne Xasan.
Kulanka golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES),