Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka dhacaya Somaliland, taas oo ah mid xasaasi ah.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday iney taageereyso hanaanka doorashooyinka ee Somaliland ee la filayo in 13-ka bishaan ay ka dhacaan deegaanada maamulkaasi.
Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in is dhow ay isha ugu heyn doonto doorashadaas, iyada oo guul u rajeysan shacabka iyo hoggaanka maamulka.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo aqoonsanaysa doorka muhiimka ah ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyadoo xoojinaysa muuqaalka doorashada Soomaaliya, waxay si dhow ula socotaa doorashada soo socota ee gobolka waqooyi ee Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Somaliland. wuxuuna qiray in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi.
“Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 13-ka bishan Novermber la filayo in Somaliland ay ka dhacdo doorashada hoggaanka mamulkaasi, waxaana haatan soconayo ololaha doorashooyinka oo u dhexeeyo hoggaanka saddex xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo UCID.