Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Wafdigii Ugu horeeyey U dirtay Adisababa kadib Heshiiskii ankara

Dowlada Soomaaliya oo Wafdigii Ugu horeeyey U dirtay Adisababa kadib Heshiiskii ankara

0

Dawladda Somalia ayaa Addis Ababa goordhaw u dirtay wafdi, kaas oo uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Soomaaliya, si ay umba qaadan Heshiiska 2-da dhinac, xili ay doonayso Madaxtooyada Soomaaliya in Itoobiya gacan kusiiso dhankeeda in dawlad gobaleedyada gudaha Soomaaliya cadaadis kusaarto lashaqeynta DFS.

Balcad ayaa imaanshihii xukunka ee MW Xassan Sheikh Itoobiyaanku ku eedeeyeen ficilo anshax diblumaasiyada kabaxsan, oo ah adeegsiga dhaqaale laaluush ah oo uu geeyey gudaha Addis Ababa, si loo siiyo dad u dhaw dhaw (Lobbyists) madaxda Itoobiya, si loo helo raali ahaanshaha ABIY.

Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa maanta kaga dhawaaqay gobalka Gedo in Itoobiya ay kusoo duushay magaalada Doolow, xili Agaasimahoodii Sanbaloolshe Addis kuhoyanayo caawa.

Ad
Previous articleYaa Ka Danbeeyey in Ciidamada Dowlada ee Raaskanbooni lagu Jabiyo Dagaalkii Dhacay?
Next articleDagaal Qaraar oo Ka Dhacay Doolow iyo Ciidamada Itoobiya oo ka Qayb Qaatay