Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay In Maxkamad Lasoo Taagi Doono Kuwii...

Dowlada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay In Maxkamad Lasoo Taagi Doono Kuwii Fududeeyey Weerarkii Xabsiga dhexe

0

Xaaladda Jeelka Dhexe ee Muqdisho ayaa maanta caadi ah kaddib markii shalay gudihiisa uu ka dhacay iska hor’imaad dhexmaray ciidamada asluubta iyo maxaabiis ku xukunsanaa dil iyo xabsi daa’in oo hub helay.

Inta la xaqiijiyay 8 qof oo isugu jira maxabiistii dagaalka sameysay iyo askar ayaa ku dhintay iska hor’imaadka, 21 kalena way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiisha Jeelka Dhexe.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay tahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidda si uun u fududeysay wixii ka dhacay Jeelka.

“Waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe oo ah arin aan la fileyn, halisteedana leh, waxan rajeynayaa madaxda Xabsiga iyo taliyayaasha in ay arintaas si degdeg ah madaxda ay khuseyso warbixin uga keenaan, talaabada noocaas ahna mar labaadna aysan soo laaban, ciddii khaladka lahayd oo dhacdadan masuulka ka ahayd in ay si uun qayb uga noqdaan in lala xisaabtami doono,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNaciima: Sida ay ugu suurtagashay in ay hesho aabaheed oo ay raadineysay 30-sano ka badan
Next articleDad Soomaali ah oo lagu laayay deegaanka Canfarta