Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ugu danbayn ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika

Dowlada Soomaaliya oo Ugu danbayn ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika

0

Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga hartay tartanka iyo loolanka loogu jiro kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay hadda u tartamayaan 4 waddan oo Afrikan oo doonaya qabashada xilka guddoomiyaha Ururka.

Soomaaliya ayaa waxaa tartankan ku metali lahayd Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taas oo muddooyinkii u dambeeyay wadday olole ballaaran oo ku aadan damaceeda kursigan, balse waxa ay la kulantay cadaadis ugu dambeyn sababay inay harto.

Sida ay ogaatay Mudug24, illaa afar musharrax oo aysan ku jirin Soomaaliya ayaa haatan isku diiwaan-geliyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhowaan dhaceysa, waxayna taasi meesha ka saartay hamigii Fowsiyo ee qabashada xilkaasi.

Sidoo kale diwaan-gelinta xubnaha tartamaya ayaa ku ekeyd shalay oo ay ahayd lixda bisha August oo loo qabtay dhammaan musharrixiinta gobolka ee daneynayo kursiga.

Horay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa uga hadashay cadaadis ay sheegtay  inuu uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan u tartamideeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

Fowsiyo waxay xilligaas sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato, inkasta oo Fowsiyo ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey horay u tiri.

Si kastaba, Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articlelaba Wiil oo Walaalo ah oo Lagu Dilay Galmudug yaa Kadanbeeya Dilkaas?
Next articleCiidamo Cusub oo Sugaaya Amniga Muqdisho oo Tababar Losoo Xiray Kadib weerarkii Liido