Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Si wayn uga Carootay Kulankii Deni Beesha Caalamka kula...

Dowlada Soomaaliya oo Si wayn uga Carootay Kulankii Deni Beesha Caalamka kula Yeeshay Nairobi

0

Dawladda Soomaaliya ayaa kacarootay wadahadal maanta dalka Kenya ku yeesheen Puntland iyo wakiilada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo ay Puntland madashan ka sheegtay in aysan la shaqeyneyn dawladda Federaalka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo Puntland, ayaa sheegtay in aysan wadahadal layeelan doonin dawladda Federaalka, ayna doonayaan in kaalmada Soomaaliya magaceeda lagu bixiyo toos loo siiyo, haddii aysan Dawladda Federaalku kusoo laaban hanaanka qeybsiga deeqaha ee horey heshiiska loogu ahaa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan iney Safaaradaha dalalka deeqda bixiya qaarkood cabasho u gudbisay, taasoo ku wajahan kulankan ay kula yeesheen Puntland meel kabaxsan Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa la soo sheegayaa iney ka war wareegtay aqbalaada dalab uu u gudbiyey Deni oo ahaa in qoondada Puntland ka hesho deeqaha Somalia loogu talo toos loo siiyo maamulka oo aan loo soo marinin dowlada federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa qaadacay dhowaan shirkii golaha wadatashiga qaranka ku yeesheen magaalada Baydhabo ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Shiikh.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka farxiyey gabar Murugo heysato oo baraha bulshada lagu baahiyey (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Shiinaha Xi Jinping oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dalka Ruushka (Sawirro)