Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Si cajiib ah uga jawaabtay eedii ahyd inay duqayn...

Dowlada Soomaaliya oo Si cajiib ah uga jawaabtay eedii ahyd inay duqayn ku laayeen Dad Shacab ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixin kasoo baxday ay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, taas oo lagu sheegay in duqeymo is-dabajoog ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah.

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad 23 qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

Al-Cadaala oo ka jawaabay warbixinta Amnesty International ayaa tilmaamay in aanay dawladdu hayn xog dad rayid ah oo wax ku noqday duqeymahaas oo bartilmaameedkoodu ahaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markasta dowladda Soomaaliyeed ay ka feejigan tahay waxyeelo dadka shacabka kasoo gaarto howlgallada lagu qaado Al-Shabaab.

‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan waddanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan kuu sheegi karno waxa weeye, hawlgal ay fuliyeen ciidamada oo ma aragtay waxyeelo dad rayid ah ka soo gaartay ma jirto, ciidankuna feejignaan heer sare ah ayay ku hawlgalaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in diyaaradaha Drones-ka ee laga leeyahay dalka Turkiga ay u cayiman yihiin halka bartilmaameedyadooda ah, lagana taxadaro waxyeelo gaarta dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyo.

Horay warsaxaafadeed ay dowladda uga soo saartay duqeynta waxa ay ku sheegtay in 30 ka mid ahaa al-Shabaab lagu dilay, howlgallo ka dhacay deegaanada Baldooska iyo Baqdaad, taas oo warbixin ka duwan sheegada dowladda ay soo saatay Hay’adda Amnesty.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleTaliye Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ugu danbayn Maanta La aasay Kadib maalmo uu Maydkiisu ku jiray Qaboojiye
Next articleCiidamada Macawislayda Mudug oo Qaaday Howlgal Culus(Sawiro)