Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Si adag ugu Hanjabtay Soomaali Itoobiyaan La shaqaynaysa

Dowlada Soomaaliya oo Si adag ugu Hanjabtay Soomaali Itoobiyaan La shaqaynaysa

0

Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso.

Galabta wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo farta ku fiiqay shakhsiyaad Soomaali ah oo Itoobiya ku soo hoggaaminaya dalkooda, kuwaas oo ciqaab adag ay la damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya.

“Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeysay inay Hub si sharci-darro ah ku soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, “Itoobiya waxay gudaha dalkeeda ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle,” ayaa lagu yiri bayaankii dowladda.

Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya.

“Xubnaha heysta Jubbaland waxay Itoobiya doonaysaa in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata, si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

“Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka,” ayaa lagu yiri go’aanka dowladda

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleXildhibaan Xasan Firinbi oo Xukun Adag lagu Riday
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka dhacay Magaalada ceerigaabo