Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Si Adag uga Hadashay Ciidamadii Itoobiya ee Mantay Laayay...

Dowlada Soomaaliya oo Si Adag uga Hadashay Ciidamadii Itoobiya ee Mantay Laayay kuwa Soomaaliya

0

Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay oo ku eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax banaanida Soomaaliya, ayna jabisay Heshiiskii Ankara, kan Midowga Afrika & Caalamka, markii ay ciidankeeda maanta ka dagaalameen magaalada Doolow, oo ay la dagaaleen ciidan katirsan DFS.

Laakiin dhinaca kale, isla maanta DFS ayaa u dirtay Addis Ababa, wafdi kasocda dhankeeda oo kala hadlaya Itoobiya sidii loo amba-qaadi lahaa gaaritaanka Itoobiya ee Badda Soomaaliya, wafdigaasna berrito ayay kulamadooda bilaabi doonaan, xili ay Dawladda Soomaaliya sheegeyso in dal madax banaanidiisa lagu xadgudbayo uu Baddiisa kala hadlaya cid aan ogoleyn madax banaaniba.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabadsugidda NISA iyo Booliska.

“Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falkan lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya ay yihiin kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Dooloow iyo Nabadoono Xabsiga Ka dhigay
Next articleMaxay ka dhigantahay in madaxweyne Emmanuel Macron uu Itoobiya ku taageero inay bad hesho?