Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta Wariyeyaasha la wadaagay warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa xusay in waddamada gobolka ay dareemayaan qatarta kooxda, maadaama ay halis ku tahay gobolka oo dhan.
“Sida aad la wada socotaan waxaa socda howlgallada lagu ciribtirayo Khawaariijta oo qaybo badan oo dalka ah ka socda, waxaa intaas dheer in howlgalka qaybtiisa labaad ee Dowladda Federaalka hoggaamineyso la filayo in uu dhawaan billowdo, waxaana xusid mudan in waddamada deriska ah ee khatarta khawaariijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
“Ciidanka ka imaanaya waddamada deriska ah oo ka hoos shaqeyn doonna Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay degdeg ugu laaban doonnaan waddamadooda sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu dhammaado howlgalka oo muddo kooban qaadan doonna” ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaloiya, Mudane Daa’uud Aweys.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran ay uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.