Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay caddeysay in laga hor istaagay inay si buuxda uga qeyb noqoto dagaalka ka socda Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni uu ka hor istaagay dowladda ka qeyb qaadashada dagaalka.
Waxa uu sheegay in arrintan ay u hayaan caddeymo, ayna hoggaanka Puntland albaabada ka soo xirteen kaalmada dowladda federaalka, xilli ay horey u jirtay xiisad siyaasadeed oo labada dhinac ah.
“Saciid Deni ayaa diidan in aan dagaalka Puntland gacan ka geysano, caddeynna waan haynaa. Dowladda federaalka albaabadii ayaa laga soo xirtay, waana la iska eedeynayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo ku eedeeyay maamulka Garoowe in ay dowladda ka hor istaageen ka qeyb qaadashada dagaalka.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka