Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Lagu Beero Toban Malyan Oo Geed

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Lagu Beero Toban Malyan Oo Geed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah ayaa ku beeray guriga Ummadda geed ka mid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeenna oo abaaro soo noq-noqday ay aafeeyeen, saameyn xoogganna ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xooggan oo saameeyey nolasha iyo deegankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka kaliya ma saameyn dadka ee dhibaato xooggan ayuu gaarsiiyey deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeennu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay labada bilood ee sannadka ka dhiman ay ku abuuraan Caasimadda 100,000 oo geed si loogu gudbo dhireynta.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAxmed Cabdulaahi Cabdi oo Saakay Dil Toogasha ah Lagu Fuliyay Kadib 5sano oo Uu xirnaa
Next articleMareykanka Iyo Ruushka Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Xaaladda Ukraine