Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay Dadkii Ka Danbeeyey Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Qaaday...

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay Dadkii Ka Danbeeyey Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Qaaday Hotel SYl.

0

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL.

Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen.

Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen.

Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore.

Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, balse waa hordhac muuqaalka ay caawa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, waxaana isagoo dhameystiran la sheegay in la baahi doono habeenka Khamiista ah.

Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka kooban ee caawa la baahiyey, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.

Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran soo gudbinta gaadiidkii ku qarxay weerarka Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaan xoog leh.

NISA ayaa dhawaan baahisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay ku lugyeesheen, balse waxaa laga xusay nin magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir oo gaadiidka qarxay soo geliyey magaalada.

Xogta muuqaalkaan ku jirta waxaa ka mid ah magacyada milkiilayaashii iska lahaa gaadiidka is qarxiyey iyo guud ahaan macluumaadka raggii weerarka geystay oo baaritaanka NISA lagu helay.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleFaahfaahin:Dil Layaab Leh oo Muqdisho loogu Gaystay Sacad Cabdi Muuse.
Next articleCiidamada Dowlada ee Difaaca Degmada Wisil oo Mushaarkii laga Jartay iyo Halis ka Taagan Koonfurta Mudug