Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo saartay digniin ku aadan todobada cisho ee soo socota...

Dowlada Soomaaliya oo saartay digniin ku aadan todobada cisho ee soo socota iyo Waxa dhici Doona

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa digniin ka bixisay roobab la filayo in todobada cisho ee soo socota ay ka da’aan gudaha Soomaaliya.

SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in roobabka la saadaalinayo ay ka di’i doonaan dhammaan gobollada dalka, isla-markaana ay ku kala duwanaan doonaan xaddiga roobka.

Meelaha ugu badan ee lasoo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka gobollada Gedo iyo Awdal oo la filayo inay  ka da’aan roobab xaddigeedu aad u sarreeyo.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dadka shacabka ah inay muujiyaan feejigaan, isla markaana ay qaataan digniinaha loo dirayo, si looga fogaado waxyeelo ka dhalataa daadadkaasi.

Halkan hoose ka akhriso: Warsaxaafadeedka:-

➤ Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuuca Sedexaad ee bisha November 2023ka waxay saadaashu  roobka xiliga Deryta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan Dhamaan gobollada dalka waxayna ku kala duwanaan-doonaan xadiga roobabka ay helayaan sida saadaashu sheegayso roobabkaas cabirkoodu waxuu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟬𝟬 (𝗺𝗺).

Degmooyinka gobolada Gedo iyo Awdal waa meelaha ugu badan oo la filayo in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya 𝟭𝟱𝟬-𝟮𝟬𝟬 𝗺𝗺, Sidookale degmooyin ka mid ah Gobalada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗛𝗶𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻, 𝗦𝗼𝗼𝗹, 𝗡𝘂𝗴𝗮𝗮𝗹, 𝗪𝗮𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶 𝗴𝗮𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴,  𝗚𝗮𝗹𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗱𝗵𝗮𝘅𝗲, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ka da’aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo

𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟴𝟬 𝗺𝗺

Degmooyin ka mid ah gobalada aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Gobalka 𝗚𝗲𝗱𝗼, 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝘆 waxay saadaashu sheegaysaa in roobabkaas ay sababi karaan 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱 iyo 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼

(𝗙𝗹𝗼𝗼𝗱 & 𝗙𝗹𝗮𝘀𝗵 𝗳𝗹𝗼𝗼𝗱𝘀).

➤ Waxaa sare u sii kacaya heerka biyaha wabiyada Juba iyo shabeele taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia taasoo macnaheedu tahay 𝗶𝗻 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗶 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼.

𝗙𝗚: Hadii roobabka la filyo todobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegeeyso, waxay geeysan karaan khasaare iskugu jira naf iyo maalba.

𝗛𝗮’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 oo Horay u soo saartay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀-𝘄𝗮𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 Saadaasha Roobab ma hiigaan ah oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaado, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay Digniino si loogu feejignaado saameynta roobku ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleErdogan Oo Israa’iil Ku Tilmaamay Dowlad Argagixiso Ah, Si Adagna U Weeraray Reer Galbeedka
Next articleDagaal Ka Dhacay Deegaanka Xananbuure iyo Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhashay