Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ragii Alshabaab ka Difaacay Ceel Cali axmed balan qaad...

Dowlada Soomaaliya oo Ragii Alshabaab ka Difaacay Ceel Cali axmed balan qaad cajiib ah usamaysay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo ay ku garab istaageyso ciidamadii deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan 25-kii dhalinyaro ee jilibka u dhigay Khawaarijta, kana difaacay inay qabsadaan deegaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro wasiirka caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa qaar kamid ah dhaawacyada dhalinyaradaas ku booqday isbitaalka Xoogga, iyaga oo u kuur galay xaaladdooda caafimaad oo lagu dabiibayo isbitaalka.

Wasiirka ayaa ballan-qaaday in dhalinyaradaan loo sameyn doono maamuus gaar ah, isla markaana ay dowladdu ku dari doonto diiwaanka geesiyaasha qaranka.

“Waxaan maanta Isbitaalka Xoogga ku booqanay geesiyaashii ku dhaawacmay Ceel Cali Axmed iyagoo la dagaallamaya Khawaarijta, dowladdu waxa ay geesiyaashaan ku daraysaa diiwaanka Qaranka.” ayuu yiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

Dhalinyaradan ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, iyaga oo difaac ka galay gudaha masaajidka deegaanka oo ay ka dhex-dagaalamayeen muddo 24 saac, kadib markii ay soo weerareen maleeshiyaadka Khawaarijta oo doonayay inay cagta mariyaan halkaasi.

“Waxaa soo aragnay 25-kii dhalinyaro halganka gaarka ah ka galay Ceel Cali Axmed ee masaajiidka difaaca uga jiray 24 saac ee halkaas Khawaarijta jabka ku gaarsiiyay intii ka dhaawacantay ayaan si gaar ah usoo aragnay iyo dhaawacyada guud ahaanba, waxay muujiyeen halyeynimo iyo geesinimo aan horay loo arkin” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa sidoo kale laga gubay gaadiidkii ugu badnaa oo lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Ceel Cali Axmed, kadib markii laga burburiyay iinta uu socday dagaalka.

Ad
Previous articleAadan Madoobe oo Dib u fasaxay Xikdhibqanadii uu Fadhiga baarlamaanka ka mamnuucay
Next articleDagaal Ka dhacay Magaalada Matabaan ee Galmudug