Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo si toos ah ula saftay dowladda federaalka ayaa ka hadlay xaaladda ka jirta gobolka, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeyo dowladda iyo Jubbaland.
Cabdullahi Shimbir oo ka qayb-galay kulan uu guddoomiyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka dhaqan galayo qorshaha Villa Soomaaliya ee doorashooyinka qof iyo codka ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shacabka degmada Garbahaarey ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladdooda, si dalka loo gaarsiiyo qof iyo cod ah.
“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka degmada Garbahaarey oo fikirkii la waday oo wasiirada iyo xildhibaannada ay noo wadeen oo ahaa in dalkan la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah nala aqbalay” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Shimbir.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka Gedo oo uu ugu baaqay inay ku deydaan Garbahaarey ayna taageeraan qorshaha dowladda dhexe.
“Waxaan ugu baaqayaa degmooyinka kale inay soo maraan waddada ay martay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo” ayuu mar kale yiri gudddoomiyuhu.
Arrintan ayaa muujineyso in Axmed Madoobe looga sii adkaanayo gobolka Gedo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay isku sii fidiineyso degmooyinka gobolkaasi.
Gobolka Gedo waa laga nacay Axmed Madoobe, waxaana hadda fursad ka heshay dowladda federaalka oo sida la sheegay maalmaha soo socda ciidamo badan geyneysa degmooyinka gobolkaas, si qorshaha dowladda ee Jubbaland loo meel-mariyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore qorsheyneysa in guluf dagaal lagu bilaabo Axmed Madoobe, maadaama ay dowladdu ku guul-dareysatay kii Raaskambooni, hadii uu isdifaaco Axmed Madoobe waxaa la sheegay inay suurtagal tahay in maamul kale oo Jubbaland ah lagu dhiso gobolka Gedo.