Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war culus kasoo saartay aqoonsiga la sheegay in Mareykanka uu siinayo Somaliland, kaas oo hadal-heyntiisu aad ay usii xoogeysatay maalmihii dambe.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in aanay haatan u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Daahir Carab ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in haatan ay kireysteen shirkad Mareykan ah oo uu tilmaamay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.
“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.
Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha ka cusub xiriirka labada dal, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Trump oo ay ka mid tahay arrinta hay’adda USAID oo haatan albaabada la’isugu laabay, taas oo in ka badan 100 dal oo ay Soomaaliya ku jirto howlo gargaar ka fulin jirtay.
“Go’aanka ay dowladda Mareykanka gaartay waan ixtiraameynaa, balse waxaan codsaneyna in kaalmada Soomaalia la siinayo in aan la soo marsiin cid kale, balse si toos ah naloo siiyo” ayuu mar kale yiri Danjire Daahir Carab.