Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Qaaday maantay Talaabo ka Farxisay dadka reer Muqdisho

Dowlada Soomaaliya oo Qaaday maantay Talaabo ka Farxisay dadka reer Muqdisho

0

Dowladda Federaraalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus, waxayna canshuur dhaaf u saameysay isbitaallada iyo goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Adeegyada caafimaadka, sida gurmadka deg-degga ah, bukaan socodka, bukaan jiifka, qaliimada guud, hooyada iyo dhallaanka ayaa laga dhaafay canshuuraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ayaa shaaca ka qaaday in tani ay ku timid dood muddo usoo dhexeysay dowladda iyo bahda caafimaadka, haatana xal laga gaaray.

“Wasaaradda Maaliyadda waxay canshuur dhaaf u sameysay adeegyada daryeelka caafimaadka, waxayna ku timid dood muddoo dheer soo socotay oo u dhexeysay wasaaradda maaliyadda iyo bahda caafimaadka” ayuu yiri Wasiir Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedada ugu wayn ay tahay in dowladda ay qayb ka noqoto dadaallada horumarineed ee caafimaadka, si loo helo adeegyo dhammeystiran.

“Ujeedadu waxaa weeye in dowladdu ay qayb ka noqoto hormarinta iyo hagaajinta adeegga daryeelka caafimaadka, si loo helo adeeg jaban oo caafimaad” ayuu raaciyay.

Horay bahda caafimaadka ayaa qaylo dhaan uga muujiyay canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda,taas oo dhowaan ka dhaqan gashay gudaha dalka, waxayna ku doodeen inay saameyn ku leedahay howlaha ay qabtaan, taas oo hadda laga dhaafay.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleAlshabaab oo Doonaayay ina Askari ku Dilaan Muqdisho oo ayagii la Dilay
Next articleSoomaaliya iyo Tanzania oo seddex heshiis ku kala saxiixday Daaru-salaam.