Dawladda Soomaaliya ayaa Canshuur 5% (VAT) ka qaadaysa Bukaanada adeegyada caafimaad u raadsanaysa Isbitaalada Muqdisho, tan oo kasoo horjeeda dhammaan xeerarka caalamiga ah.
Sidaas oo kale xirfadayaal caafimaad ayaa loo xiray sabab la xariirta in ay Bukaanka ka qaadi waayeen lacagta VAT-ka, degmooyinka Muqdisho qaarkood, taas oo kasoo horjeeda amarkii Golaha XFS.
Gabi ahaanba dalalka Saxaraha kahooseeya, oo ay kujiraan wadamada deriska la ah Soomaaliya, lagama qaado Canshuur nooc kasta oo ay tahay adeegga Caafimaadka.
Dawladnimadu, waa in muwaadinku uu helaa adeeg Caafimaad oo aan lacag aheyn, haddii la waadi waayana aan VAT iyo Canshuur lahayn.
Ad