Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Mamnuucday Diyaarada Drones ee Wax Duuba

Dowlada Soomaaliya oo Mamnuucday Diyaarada Drones ee Wax Duuba

0

Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka mamnuucday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee Droones-ka la yiraahdo.

Qoraal kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah laga mamnuucay inay garoonka u soo dhawaadaan masaafo dhan 9 niyuutikaal mile oo dhan walba ah.

Waa masaafo ku dhaw 10 KM oo dhinac walba ah, sida ku cad amarkaan ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in diyaaradaha fasaxa ka haystay hay’adda duulista kaliya ay adeegsan karaan garoonka iyo hawadiisa.

Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin go’aankaan, horay waxaa u jiray warar sheegaya inay suurtagal tahay in kooxaha argagixisada ah ay diyaarado Droones ah ku weeraraan garoonka.

Sidoo cabsida weerarada laga digay waxay ka jirtaa xerada Xalane ee safaaradaha shisheeye ay degan yihiin taas oo ku taalla xeendaabka garoonka diyaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Go’aankaan waa mid saameyntiisa leh, wuxuuna muujinayaa tuhunka jira iyo inta uu la egyahay, waxaana cabsi badan laga qabaa in argagixisadu geysato weerarro ka dhan ah Xarunta Xalane oo cadaawad badan ay u qabaan, maadaama ay degan yihiin danjirayaasha iyo diblomaasiyiinta dowladaha taageera Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay heysato diyaarado Droones ah oo kuwa aan duuliyaha aheyn ah, waxaana cabsi badan laga qabaa inay geystaan weerarro is-miidaamin ah.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in Shabaab heystaan diyaaradaha laga digayo, hadana waxaa dhowaan magaalada Gaalkacyo lagu qabtay diyaarado laga soo dejiyey dhanka Boosaaso oo loo waday Al-Shabaab
Ad
Previous articleMaraykanka oo Israil U Diray Gantaalada Difaaca
Next articleBeelaha Sacad iyo saleebaan oo Mudo kadib Maantay Dagaal dhex maray