Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Maantay Qaab Lama Filaan ah Ciidamo Uga Dajisay Baladxaawo

Dowlada Soomaaliya oo Maantay Qaab Lama Filaan ah Ciidamo Uga Dajisay Baladxaawo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamo ay ka dageen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo maalmahan laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ugu yaraan 2 diyaaradood ay ka dageen saldhigga loo yaqaan UK ee ay ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin degmada Baladxaawo.

Wararka ayaa intaaasi ku daraya in diyaaradahan ayaa sidoo kale la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo halkaas u tegay hoggaaminta gulufka dowladda federaalka ee ka dhanka ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Arrintan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ay ku kala fur-fureyso maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana hadda ay isku sii fidineysaa gobolka Gedo.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan u gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaas ay si buuxda u maamulaan ciidanka Xoogga dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugagaa natiijada iyo halka ay ku dambeyn doono xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso labada dhinac.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleXukumada Muuse Biixi oo Go,aan soo saartay ka Hor Xilwareejinta
Next articleWar Deg Deg ah: Gudoomiye Madaale oo Xilka Laga qaaday