Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Maantay Dhaqan Galisay Go,aan ay Ku farxeen Ganacsatada Soomaaliyeed

Dowlada Soomaaliya oo Maantay Dhaqan Galisay Go,aan ay Ku farxeen Ganacsatada Soomaaliyeed

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan-gelisay hanaanka khidmad dhimista ee dhawaan uu go’aamiyay qaraarkii golaha wasiirrada Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aanka dhaqan-gelisay, kaas oo lagu dhimayo 50% lacagta looga qaado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Wasaaradda Maaliyadda waxa ay ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagaysaa in maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 26-ka Agoosto 2024, si rasmi ah loo dhaqan-geliyo heshiiska khidmad dhimista ee lagu go’aamiyay qaraarkii gilaha wasiirada JF qodobkiisa 5-aad, faqradiisa 1-aad kuna saabsan in la dhimo khidmada laga waado iskaanka lagu hubiyo badeecadaha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Si loo horumariyo dakhliga dowladda, wasaaradda maaliyadda waxaa ka go’an in ay si hufan ugu adeegto bulshada, isla markaana loo dhimriyo shacabka Soomaaliyeed iyo ganacstada canshuur bixiyeyaasha ah oo door muhiim ah ku leh sare u qaadidda dakhlkga gudaha.”

Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso had iyo goor in la xaliyo cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed, xilli uu dhawaan khilaaf xooggan soo kala dhex galay ganacsatada Muqdisho iyo wasaaradda maaliyadda.

Toddobaad kahro unbey aheyd markii golaha wasiirrada ay meel-meriyeen qaraarka lagu dhimay qiimaha laga qaado ganacsatada, ayada oo sidoo kale qararkan lagu baabi’iyay heshiisyo dhowr ah, kuwaas oo kamid yihiin:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleMahad Cali Maxamuud Madoobe oo Horay Dil Dadbadan ka Naxeen Muqdisho Ka Gaystay oo Maantay La Xukumay
Next articleXubno Sare oo Ka Mid ah Alshabaab oo Gudaha Ugalay garowe