Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo looga Digay Inay Badsiiso Dowlada Itoobiya

Dowlada Soomaaliya oo looga Digay Inay Badsiiso Dowlada Itoobiya

0

Ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay aqbasho in Itoobiya ay xuquu ka hesho dhul badeedka Soomaaliya.

Waxa uu si gaar ah uga digay in madaxda Soomaalida ee ku sugan Ankara in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato biyaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaalka dowladda Turkiga ay ku dooneyso soo afjarida wuxuu ugu yeeray “gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Turkiga oo dhinacyad isku soo jiidaya ayaa dhawaan sheegay in xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa lagu soo afjari karo in Itoobiya ay galaangal u yeelato biyaha Soomaaliya, iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida Soomaaliya.

Middan ma diidana Soomaaliya, balse waxay kasoo horjeeda in qeybo kamid ah baddeeda la siiyo Itoobiya, waxa uuna kal hore sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa aysan diidaneyn in Itoobiya ay baddeena uga faa’iideysato hab ganacsi oo keliya, sida ay Itoobiya usoo gaarto badda caalamiga ah.

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka Turkiga waxaana rajeyneynaa in aan aragno soo afjarida gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Laakiin, heshiis aan lala gelayn Itoobiya waa in uu ka dhigan yahay ama micneheedu yahay saldhig ciidan ama xuquuq madax-bannaan oo lagu galo baddeena,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku aadan wada-hadallada (haatan socda).”

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay uu magaalada Ankara ka bilowday wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo garwadeen ka tahay dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixineysa sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSoomaliland oo War Yaab leh Kasoo Saartay Wadahadala Soomaaliya iyo Itoobiya ee Ankar
Next articleAlshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Cidamada Dowlada ee…