Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Aasi Doono Gudoomiye Jawaari

Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Aasi Doono Gudoomiye Jawaari

0

Guddiga aaska Qaran ee Allaha ha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Jawaari waxa uu madaxda Qaranka Iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ogeysiinayaa in maalntay hadii uu Alle idmo marxuumka aas Qaran loogu sameyn doono Magaaladda Muqdisho,ka dib markii ay la tashadeen qoyska marxuumka

Guddiga waxa uu go’aamiyay in aaska Qaran ee Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari mudo sadex maalmood ah Warbaahinta Dawladda laga siidaayo Barnaamijyo ku saabsan taariikh nololeedkii iyo waxqabadkii Marxuum Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari .

Dhinaca Aaska Qaranka Gudigu waxay qorsheeyeen in aasku uu u dhaco sida soo socota:

Habmaamuus Qaran Iyo sagootinta oo dhaceysa saacada marka ay tahay 12:00- duhurnimo,waxayna ka dhaceysaa taaladda dhagax tuur iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda qaranka ,guddiga aaska qaran,ciidanka hab maamuuska qaran Iyo qoyska marxuumka.

Salaada janaasadda waxaa marxuumka lagu dukan doonaa 12:30 duhurnimo waana masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galaya madaxda qaranka ,culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka ,xubnaha Golaha Baarlamaanka ,wasiiradda,bulshada rayidka Iyo qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ,

Aaska Qaran waxa uu dhacayaa 1:00 duhurnimo waxaa lagu aasi doonaa qubuuraha Sheekh Suufi ,waxaana ka qeyb geli doona culimaa’udiinka ,qoyska marxuumka,guddiga aaska Qaran Iyo dad kooban.

 

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo Heshiis Hordhac ah Ka Gaaray Dagaaladii Qaraaraa ee Beelaha Sacad iyo laylkase
Next articleDagaal Culus oo Markale Ka Qarxay Gobalka Mudug iyo Khasaaraha Ka dashay