Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka, ayaa ku dhowaaqay xaalad deg deg ah.
Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.
Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.
Mudane Saalax ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo in dowladdu waddo abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobalka Gedo iyo qeybo kamid ah gobolada dalka.
“Halis weyn ayaa dalka ka jirta, taasi oo ka dhalatay roob xooggan oo ka da’ay qaybo kamid ah gobollada, dhimashada ayaa ka badan 10 qof,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda SODMA.