Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Hada Kadib Alshabaab laisku Qarxin Doono

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Hada Kadib Alshabaab laisku Qarxin Doono

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa sheegtay in ay dib u billaabeyso howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gudaha gobolka Hiiraan.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaran, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka deegaanka ee gaar ahaan Macawiisleyda ay isku diyaariyaan howlgallo wadajira ah.

“Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka waa in halgan loo diyaargarooba, waxaan dooneyna in deegaannada jiida wabiga aan ka billaawno, geed kasta iyo goob kastana waan u socona ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sugida Amniga iyo diyaar garowga howlgallada ka dhanka AS.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Dowladda Federaalka lagu wareejiyay sugida Amniga gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledwayne.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleSanbaloolshe oo Wali Hiiraan ka Wada Abaabul ka Dhan ah Alshabaab iyo Ciidamadii ugu badnaa oo…
Next articleNorway oo Xukun Adag ku Riday laba Gabdhood oo Soomaali ah