Home Wararka Maanta dowlada Soomaaliya oo Ku dhawaaqday in Burundi Ka Haratay Kamid noqoshada Ciidamada...

dowlada Soomaaliya oo Ku dhawaaqday in Burundi Ka Haratay Kamid noqoshada Ciidamada Cusub ee Baldalaay ATMIS

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Burundi uga mahadcelisay kaalintii ay ka soo qaadatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ka hareyso howlgalka cusub ee 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya oo loo bixiyey AUSSOM.

Dowladda Burundi ayaa ka carootay tirada yar ee dowladda Soomaaliya ay u qoondeysay, maadaama 1,000 askari loo ogolaaday inay ku soo darsadaan ciidanka loo qaadanayo howlgalka cusub ee AUSSOM, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay dalabka Burundi ay uga hareyso howlgalka cusub.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa muujiyay sida ay dawladda Soomaaliya uga mahadcelinayso ciidamada Burundi ee ka soo qeyb qaatay howlgalladii AMISOM iyo ATMIS, naf-hurnimadii, taageeradii, soo nooleyntii amniga Soomaaliya iyo la dagaallankii kooxaha argagixisada ah.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa Wasiirka Difaaca Qaranka iyo Ciidamada Jamhuuriyadda Burundi, isagoo yiri, “Inkastoo aan ka xunahay in la isku afgartay tirada aad saluugteen ee loo qoondeeyey doorka howlgalkaas ee Burundi, hadana waxaan ixtiraamaynaa go’aankaaga, waxaan ku qasbanahay in aan qirno ka qaybgalka aan BNDF ee AUSSOM.”

Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray “Anagoo taas ka duulayna, waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa xafiiskaaga Mudane Wasiir, inuu noo soo diro koox farsamo oo si habsami leh u bilaaba doorka ciidanka Burundi ee dhamaadka shaqada ATMIS iyo ku wareejinta amniga ee ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Ad
Previous articleTaliye odawaa oo Xalay Ku Hoyday Furimaha Dagaalka Galmudug Durbana Bilaabay Dagaal
Next articleWasiirkii batroolka Ahaana Saaxiibka Xasan Shiikh oo Maantay Xilka Lagala Wareegay