Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ku Biirtay Ha’adaha Nukliyeerka iyo Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta

Dowlada Soomaaliya oo Ku Biirtay Ha’adaha Nukliyeerka iyo Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta

0

Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi.

Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal.

Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, oo ka mid ahaa waftiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay horrey ugu gudbisay hay’adda doonisteeda xubinimada haya’addaas.

Hay’addan IAEA, ayaa u xilsaaran ururka Qaramada Midoobay ilaalinta Nukliyeerka iyo la socodka xaaladdaha Atoomikada adduunka.

Maxay Soomaaliya ugu dhigan tahay?

Xoghaye Xaadow, wuxuu sheegay in ku biirtistooda hay’addan ay muhiimad gaara u leedahay dalka Soomaaliya

“Macdanka Yuraaniyamta kaliya maha, waa macdan kasta. Shidaalka ayaa qayb ka ah wasakhda sida qashinka lagu soo daadiyo dalka. Waxkasta oo haraa wasakha ah ayaa ka mid ah,” ayuu yiri Xoghaye Xaadow.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya ay u baahan tahay koronto nabad qab leh isagoo tilmaamay in adduunku maanta u guuray koronto ama tamarta Nukliyeer ah.

Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta ku biirista hay’addan

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka wali korontadoodu ku tiirsan tahay kuwa laga dhaliyo matoorada, wuxuu xoghaye Xaadow sheegay inay doonayaan inay doonayaan in ay ka gudbaan mustaqbalka iyagoo kaashanaya hay’addan ay ku biireen ee caalamiga ah.

“Haya’adu waxay ka gaysanaynaa gacan tusaale ahaan inaan galangal u yeelanaynaa deeq bixiyaasha ku bixiya tamarta la cusboonaysiiyo, waxaan fursad u helaynaa khuburada, waxaan fursad u helaynaa Tiknoolajiyada hay’addan ay horumarisay. Waa baahi waqtigeedi taagan” ayuu yiri Xamse.

Dhanka kale waxa uu sheegay xoghayuhu in daraasado ay muujinayaan in Soomaaliya lagu soo daadiyo wasakh badan oo qaarkeed ah mid ka soo hartay wax soo saarka Nugleyrka ku biirista ya hay’adaana ay xal u noqon karto ka hor tagista arrinkaas.

“Waxay naga taraysaa marka kowaad inaan ogaano yaa wax daadiya, oo an xogta helno oo hay’addu xog bay aruurisaa oo xogtaa aan helno, ka dibna cida dhulkeena wasakhda ku shubi karta an ogaano ka dibna hay’addu naga caawiso sidii loga hortagi lahaa” ayuu yiri Xaadow.

Maxay tahay Hay’adda IAEA?

Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) waa urur ay ku midaysan yihiin dawlado badan oo doonaya in ay horumariyaan isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyo in la joojiyo isticmaalkeeda ku aadan dhinaca milatariga.

Waxaa la aasaasay 1957-kii, waana sida urur madax-bannaan oo ku dhex jira nidaamka Qaramada Midoobay.

Hay’addan ayaa u warbixino siisa Golaha guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo si furan ula socota xaaladaha dunida ee khataraha Nukliyeerka.

IAEA waxaa loo abuuray iyadoo laga jawaabayo welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku wajahan hubka nukliyeerka, gaar ahaan iyada oo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya quwadaha aadka ugu horreeya nukliyeerka, sida Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower, ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu ku dalbaday in la abuuro hay’ad u xilsaadaran ka hortaga fidista Nukliyeerka.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Maraykanka oo Dowlada Itoobiya U dirtay Fariin Naxdin leh oo la xariiirta Badda Soomaaliya
Next articleKhilaafka Koonfur Galbeed iyo Soomaaliya oo kasii Daray