Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ku Biirtay Dagaalka Kasocda Buuraha Puntland

Dowlada Soomaaliya oo ku Biirtay Dagaalka Kasocda Buuraha Puntland

0

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha uga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howl-gallada culus ee kooxda Daacish ka dhanka ah, kaasi oo ka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu horeyntii bogaadiyey guulaha ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ka gaareen dagaalka, iyagoo go’aamiyey in hay’adaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baay shirka golaha.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka lagu dhaliilayay in aysan kaalin ka geysan dagaalka Daacish ee ka socda maamulka Puntland, kaasi oo haatan u gudbay wejigiisa labaad kadib guullo wax ku ool ah laga gaaray wejiga hore ee dagaalka.

Howl-galladii u dambeeyay ee ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Puntland ay ku qaadeen buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ku dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Khawaarijta Daacish oo u badan ajaanib.

Sidoo kale ciidamada ayaa dagaalka ku furtay cadowgana ka furtay hub iyo saanad ciidan,

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay xoreynta deegaanadii lagu qaaday howl-gallada ee saldhigga u ahaa Argagixisada Daacish. Deegaanka Togga-jaceel ee Buuralayda Calmiskaad ayaa kamid ah goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacay shalay iyo maanta, waxaana gacanta ku haya ciidamada Puntland.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAabe ka Qaybgalay Maantay janaasada Laba Wiil ee uu dhalay ee ku geeriyooday Dagaalka Kasocda Buraha Goolis
Next articleDowlada Swedan oo Go,aano Culus soo Saartay kadib Toogashadii naxdinta lahayd ee dhacday