Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Koonfurgalbeed oo Kala Tagay Maxaa Dhacay maantay?

Dowlada Soomaaliya iyo Koonfurgalbeed oo Kala Tagay Maxaa Dhacay maantay?

0

Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Koonfurgalbeed oo khilaafkoodii uu Maantay Gaaray Meeshii Ugu Xumayd Dowlada Soomaaliya ayaana Gabi ahaanba Diiday inay Baydhabo U safraan Xildhibaanada Labada Gole ee laga Soo Doortay Maamulka Koonfurgalbeed.

Saakay waxaa Gabi ahaanba inay Baydhabo loo diiday Inay U safarto Xildhibaanad Sareedo oo  kasoo Jeeda Maamulka Koonfurgalbeed Kuna wajahnayd Magaalada Baydhabo Maamulka Iyo saraakiisha amaanka garoonka Muqdisho ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay inay Hayaan sawirkeeda iyo Xogteeda aysana U safri karin Magaalada Badydhabo.

Diyaaradii ku wajahnayd Magaalada baydhabo ayaa la fasaxay ayadoo Qaaday kaliya dad Shacab ah oo Ku wajahnaa Baydhabo Wa Talaabo aad u qaraar oo maantay Loo qaaday Xaga Kala Taga Dowlada Soomaaliya Iyo Maamulka Koonfurgalbeed.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Wafdi u Hogaaminaayo Janeraal Shub U diray Baydhabo Si uu War uga Keeno Madaxweynaha Koonfurgalbeed ee laftagareen Shub ayaana ah Sodoga Laftagareen Waana Talabadii ugu Danbaysay ee uu Xasan ku Doonaayo inuu Muqdisho ku keeno laftagareen.

Waxaase Muuqata Talaabada maantay La qaaday inay Tahay Raja Beel in Laftagaren iyo Madaxweyne xasan Shiikh aad ukala Tageen laftagareen ayaana haatan garab iyo Gaashaan ka dhigtay Ciidamada Itoobiya ee Ku sugan Baydhabo.

Dhawaan ayaa raysulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre loo Diray Baydhabo Si uu laftagareen U keeno Muqdisho Balse Wuxuu kala soo laabtay Guuldaro kadib Markii laftagareen iska Diiday Dalbkii MAdaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale Dowlada Soomaaliya ayaa Sarakiil ka tirsanaa Maamulka Koonfurgalbeed U Diiday inay Tagaan Magaalada Baraawe oo haatan gacanta Ugu Jirta Ciidamada Xooga ee Hoostaga Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaana Qorshaynaysa Hadii laftagareen isku Dayo Doorasho Ku shubasho ah inuu Qabsado inay Dowlada Soomaaliya ayana Doorasho kale ku qabsato Magaala Xeebeedka Baraawe oo Ah Xarunta Rasmiga ah ee Maamulka Koonfurgalbeed.

Ad
Previous articleDagaalyanadii Ku Dagaalamaayay Dalka Sudaan oo Ugu Dabayn Aqlay inay Wada Hadlaan
Next articleDagaal Culus oo Maantay Ka Qarxay Xadka Hiraan iyo Shabeelada Dhexe