Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya

Dowlada Soomaaliya oo ka jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal kasoo yeeray Itoobiya oo shaacisay go’aan la xiriira aqoonsiga Somaliland oo ay horay ula gashay heshiis la xiriira badda, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna riyo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Itoobiya.

Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed, isla markaana la yaqaano halka ay ku dhamaan doono damaceeda gurracan.

“Ethopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah in aysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jiray, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu sii raaciyay wasiirku

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan

Ad
Previous articleDuqayn Culus oo Xalay lagu Qaaday Alshabaab ku Sugnaa Galmudug
Next articleItoobiya oo shaacisay go’aan aqoonsiga Somaliland la xiriira