Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii lagu Burburiyay Suuqa Tabeelaha Shikh ibrahim

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii lagu Burburiyay Suuqa Tabeelaha Shikh ibrahim

0

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Iskuul Buluusiyo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan weerarada qaraxyada ahaa ee ayAl-Shabaab ku qaadeen suuqyada Tabeelaha Sheekh Ibrhaahim iyo Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in Khawaarijta ay tahay cadowga Ummadda Soomaaliyeed, haddana ay billowday inay qarxiso suuqyada, si ay u burburiso dhaqaalaha shacabka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay muujineyso awood yarida kooxda, maadaama lagu qaaday howlgal cirka iyo dhulka ah, kaas oo looga xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay bilaabeen in dukaamada gubaan inay maqaayadaha gubaan inay hoteellada gubaan iyo inay suuqyada gubaan”.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan doorkooda ku aadan ka qayb-qaadashada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleWaa Sidee Xalada Magaalada Ceerigaabo Maantay?
Next articleXamse Cabdi Barre oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly.